Hopp til hovedinnhold

Ku saabsan guddiga khilaafadka kirada

Gate med hvite trehus. Foto.

Gudiga khilaafaadka kirada (HTU) waa wakaalad dawladeed oo wax ka qabataa khilaafyada ku saabsan kiraynta guryaha ee u dhexeeya kiraystayaasha iyo mulkiilayaasha si waafaqsan sharciga kirada. Maasuulada kiisaska waxay khibrad gaar ah u leeyihiin sharciga kirada. Kiisaska waxaanu u maamulna si waafaqsan xeerarka ku jira xeer-hoosaadka guddiga khilaafaadka kirada.

Kiisasku waxay khuseeyaan, sida kirada aan la bixin, magdhowga, joojin heshiis, lacagta dhigaalka iyo cilladaha guriga. Waxaan kiisaska ku xalinnaa dhexdhexaadin ama go’aan qoraal ah oo la sameeyo.

HTU waxay leedahay dacwado oo qoraal ah. cabashooyinka, jawaabaha cabashooyinka (jawab celin) iyo dukumeentiyada dheeraadka ah waa in lagu qoraa af norwiiji. Foomaamka dijitaalka ah ee cabashooyinka, jawaabaha iyo macluumaadka dheeraadka ah waxaa laga heli karaa qaybta «Nala soo xidhiidh».

HTU waxay bixisaa dhexdhexaadin kiisaska aan aaminsanahay inay ku habboon yihiin. Dhexdhexaadinta, mulkilaha iyo kiraystaha waxaay caawimaad ka helaan dhexdhexaadiye dhexdhexaad ah si ay xal u helaan. Haddii dhinacyadu ay ku heshiiyaan dhexdehxaadinta, waxaanu qoraynaa heshiis dhaqan-gal ah. Heshiiska waxaa la yiraahda xallin.

Haddii kiiska lagu xallin waayo dhexdehxaadin, HTU ayaa kiiska go’aan ku gaadhaysa. Go’aanku wuxuu noqonayaa mid dhaqan gala haddii labada dhinac midkoodna oo kiiska u gudbin maxkamadda degmada.

Haddii shir dhexdhexaadin ah ama kulan dhinacyada lo qabanayo kiiska, HTU waxay dalbi kartaa turjumaan.

HTU waa hay’ad dhexdhexaad ah, dhammaan kiisaska buuxiya shuruudaha habaynta si dhab ah ayaa loo qiimeeyaa. Maadama aan nahay dhexdhexaad, ma bixin karno talo sharci. Haddii aad u baahan tahay gargaar sharci, waxaad ka heli kartaa macluumaadka arrintan ku saabsan halkan.

Boggeena waxaa loo turjumay Ingiriis. Waxaad ka heli kartaa macluumaad wanaagsan oo ku saabsan xuquuqaha iyo waajibaadka hoos yimaada xeerka kiraysiga. Haddii aad doorato inaad ku isticmaasho Google Translate qoraaladeena, waxaad sidaas u yeelaysa iskaaga.

Haddii aad wax su’aalo ah qabtid ama aad jeclaan lahayd inaad nala soo xiriirto, waxaad ka heli kartaa macluumaadkayagaqaybta «Nala soo xidhiidh».