Af-Soomaali - (Somali)
Waa maxay Husleietvistutvalget (Guddida-khilaafka-kirada-guryuhu)
Husleietvistutvalget (HTU) waa mid u eg maxkamadda unnugga-xallinta-khilaafka (tvisteløsningsorgan) oo lagaga baaraandego khilaafka ku saabsan kirada guryaha la seexdo. Kirada dhismayaasha-ganacsi iyo guryaha-tamashlaha kuma jiraan nidaamka. HTU waxa sameeyay Wasaaradda degmooyinka- iyo gobolada 01.03.01 iyadoo ah goobta-ugu-horraysa (førsteinstans) ee laga helo HTU. Saddex xafiis ayaa ka baaraandega kiisaska aagagga Oslo iyo Akershus, Hordaland, iyo Sør- iyo Nord-Trøndelag. HTU waxaa yool u ah in loo helo si dhakhso ah, oo jaban iyo aqoonta xallinta-khilaafaadka ee kiisaska-kirada. Khilaaf-xalliyayaashu waa garyaqaanno aqoon gaara u leh sharciga-kiraynta-guryaha. Dhinacyadu sida caadiga ah uma baahna inay isticmaalaan garyaqaan.
Waa intee qiimaha khilaaf-xallintu
Qofka cabanayaa, waa inuu qadimaad u bixiyaa cashuurta-kiis-qaaddida oo u dhigma cashuur-maxkamadeed (rettsgebyr: 1xR). Cashuur-maxkamadeedka ay sharciyeeyeen Baarlamaanku oo ah laga bilaabo 01.01.16 kr 1 025,-. Waxaa la soo diraa qaansheeg (giro). Kiiska lama qaado illaa inta la bixinayo cashuurta. Haddii uu cawduhu leeyahay dhinaca kale ha bixiyo cashuurta, waxaa go’aan ka gaadhaya HTU cidda laga rabo kharashka. Kharashka-garyaqaanka lama bixiyo sida caadiga ah, maxaa yeelay marka horeba looma baahnayn in la isticmaalo garyaqaan.
Cabashadu maxay ka koobnaanyasaa
Dalabka cabashadu waa inuu ka koobnaadaa:
- Dhinacyada magacyadooda iyo cinwaanadooda
- Cinwaanka guriga la kiraystay ee khilaafku ka taagan yahay
- Sharraxaad- kooban oo kiiska ah
- Andacood (sharraxaad sida uu dhinac u rabo in go’aanku noqdo)
- Cawdaha saxeexiisa
Nuqullo ah qoraalada ifinaya kiisku waxa habboon in lala xareeyo cabashada. Waxaa sii muhiim ah in la xareeyo nuqulka heshiiska-kirada. Ku guulaysashada dhinac ee dalabkiisu, waxay ku xidhan tahay inta badan haddii uu keeno qoraalladdii iyo warbixinaha loo baahnaa. HTU waxay u dirtaa nuqul cabashada ah dhinaca kale, oo la siiyo muddo-cayiman uu ku soo jawaabo qoraal. Jawaabtuna waa inay saxeexnaataa, sheegana dalabka inuu yeelay, haddiiba uu raacinayo sababayn iyo qoraal-keenis.
Dhexdhexaadin
Dhinacyada waxaa loogu yeedhayaa kulan lagu qabanayo HTU, iyadoo loo fidinayo dhexdhexaadin. Dhexdhexaadintu qasab maaha. Dhexdhexaadiye wuxuu dhinacyada ka caawiyaa sidii ay wax ugu heshiin lahaayeen. Haddii dhinacyadu heshiiyaan, waxaa la galaa isafgarad (heshiis). Isafgarad wuxuu noqon karaa mid ka fiican oo ka xal doorasho badan ka go’aanka, sababtoo ah dhinacyadaa doortay xalka. Kiiska sida ugu dhakhsaha badan ayaa loo xalliyaa haddii dhinacyadu isafgarad ay galaan. Isafgarad waa mid qabanaya dhinacyada sida heshiiska oo kale.
Go’aan
Haddii dhinac ahaani soo jawaabi waayo, dhexdhexaadinta la diido ama ay keeni waydo isafgarad, kiiska waxaa go’aan ka gaadhaya HTU. Go’aanka waxaa lagu gaadhaa sida caadiga ah iyadoo gundhig looga dhigayo qoraalaada kiiska laga hayo. Guddidu waxay ka kooban tahay hal kiis-hage garyaqaan ah, iyo laba xubno-guddi ah oo ka kala socda dhinaca-kiraystaha iyo dhinaca-kireeyaha, kuwaas oo ay soo magacaabeen Wasaaradda degmooyinku. Xubnaha-guddidu waxay ahaanayaan dhexdhexaad. Go’aanku wuxuu u shaqaynayaa sidii xukun-maxkamadeed haddii aan kiiska la geyn maxkamadda-degmada bil gudaheed.
Ka dib khilaafka marka la xalliyo
Dhinacyadu waa in ay iyagu suurogeliyaan sidii loo fulin lahaa wixii la isku afgartay ama go’aanka. Haddii dhinac si aan khasab ahayn uga soo bixi waayo heshiiska ama go’aanka (tusaale ahaan bixinwaa lacag la xaddiday), waxa dhinaca kale uu ka dalbi karaa hanti-wareejiyahu (namsmannen) inuu ka caawiyo sidii uu khasab-uga-kenni lahaa dalabkiisa. Isafgaradka iyo go’aanka labada waxaa loo isticmaali karaa si gundhig-qasab.
Guddida-isafgaradka (Forliksrådet)
Haddii gurigu ku yaal degmo aan lahayn husleietvistutvalg ama kiisku khuseeyo wax aanay Husleietvistutvalget awood-sharci u lahayn inay qaadaan, waa inaad raadsataa guddida-isafgaradka (Forliksrådet) ee degmada.